Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Nin rikoor cusub ka sameeyay tartan lagu koro jaranjarada iyada oo la...

Nin rikoor cusub ka sameeyay tartan lagu koro jaranjarada iyada oo la adeegsanayo madaxa

0

Himilo – Li Long oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa jabiyay rikoor caalami ah markii uu madaxiisa ku koray jaranjaro ka kooban 26 darajo isaga oo aan qeyb kale oo jirkiisa ah ku taaban.

Ninka oo ku nool gobalka Henan ee dhaca bariga Shiinaha ayaa jabiyay rikoor hore kaddib dhowr jeer oo uu ku fashilmay.

Mr Li ayaa sameeyay tijaabo hore isaga oo ka qeyb galaya barnaamij ka baxayay telefishin Talyaani ah laakiin qeyb jirkiisa kamid ah ayaa gaartay jaranjarada.

Cayaaryahanka ayaa goor sii horreysay oo sannadkii 2012-ka waxa uu ka qeyb galay tartan nuucaan oo kale ah oo lagu korayay jaranjaro iyada oo uu qofka adeegsanayo keliya madaxiisa.

Waxaa tartanka qeyb ka ahaa xilligaasi oo ay guusha wada gaareen Zhao Xiao oo ay isku dal yihiin. Waxay madaxa ku fuuleen jaranjaro ka kooban 34 darajo.

Hay’adda Sameysa qiyaasaha caalamiga ee Guinness World Records ayaa aqoonsatay rikoorka Li Long oo uu ku koray jaranjaro ka kooban 26 darajo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version