Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Nin weeraray Taallada Ataturk kuna sheegay Sanam diinteennu diiday!

Nin weeraray Taallada Ataturk kuna sheegay Sanam diinteennu diiday!

0

Muqdisho – Nin kamid ah dadka degmada Siverek ee dhacda koofur-bari dalka Turkiga ayaa weeraray taallada Ataturk – isaga oo yiri; ‘Sanam caabudku boos kuma lahan Islaamka,’ sida ay soo warisay Dogan News Agency.

Ninka oo lagu sheegay Mehmet Malbora ayaa ku dulbooday taallada Ataturk ee ku taalla fagaaraha Siverek’s Cumhuriyet Square isaga oo burus la dhacaya.

“Kuma jirto sanam in la caabudo diinteenna Islaamka. Kuwa ku hor-gadaaman burburinta sanamka miyay yihiin kuwii Suubanaha raacsanaa?!,” ayaa laga soo werisay inuu ku qeylinayay.

Goob-joogayaal ka ag-dhawaa halka uu shilku ka dhacay ayaa booliska ugu yeeray ninkan oo ku labisnaa sunnada Islaamiga ah.

Booliska ayaa haddaba goobta ka waday waxayna su’aalo ku weydiinayaan sal-dhigga.

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version