Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Ninka ugu da’da weyn caalamka oo geeriyooday

Ninka ugu da’da weyn caalamka oo geeriyooday

0

Himilo – Dhowr maalin kahor ayay hay’adda Guinness World records shaacisay in uu yahay ninka ugu da’da weyn caalamka balse hadda waxaa la soo wariyay in uu geeriyooday.

Warbaahinta dalka Jabaan ayaa laga soo xigtay in Chitetsu Watanabe oo ahaa ninka ugu da’da weyn caalamka uu dhintay labo maalin kahor.

Ninka reer Jabaan ayaa la filayay in uu noqdo 113 jir marka la gaaro bisha soo socota, waxaana la guddoonsiiyay shahaado caddeynaysa in uu jiro 112 sanno iyo 344 maalin.

Isaga oo goor sii horreysay ka hadlayay sirta ka danbeysa caafimaadkiisa iyo da’da fog ee uu gaaray, Mr Chitetsu ayaa sheegay in uu iska dhowray carrada islamarkaana uu saaxiib ka dhigtay dhoolla-caddeynta joogtada ah.

Chitetsu ayaa dhashay bishii Maarso ee sannadkii 1907-dii isaga oo u weyn qoys ka kooban 8 carruur ah. Waxa uu ka shaqeeyay muddo shirkad kahor inta uusan u wareegin wasaaradda beeraha Jabaan.

Waxaa kale oo uu la shaqeeyay ciidanka Jabaan sannadkii 1944-kii waxyar kahor dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida.

Waxaa xusid mudan in haweenayda ugu da’da weyn caalamka ku nooshahay isla Jabaan iyada oo da’deeda tahay 117 jir.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version