Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Caafimaad Ninka ugu da’da weyn caalamka oo ka hadlay sirta caafimaadkiisa

Ninka ugu da’da weyn caalamka oo ka hadlay sirta caafimaadkiisa

0

Himilo – Hay’adda diiwaan gelisa rikoorada caalamka ee Guinness World Records ayaa shaacisay magaca ninka ugu da’da weyn caalamka oo noqday Chitetsu Watanabe.

Ninka reer Jabaan ayaa noqonaya 113 jir marka la gaaro bisha soo socota, waxaana la guddoonsiiyay shahaado caddeynaysa in uu jiro 112 sanno iyo 344 maalin.

Isaga oo ka hadlayay sirta ka danbeysa caafimaadkiisa iyo da’da fog ee uu gaaray, Mr Chitetsu ayaa sheegay in sirta tahay in uu iska dhowray carrada islamarkaana uu saaxiib ka dhigtay dhoolla-caddeynta joogtada ah.

Chitetsu ayaa dhashay bishii Maarso ee sannadkii 1907-dii isaga oo u weyn qoys ka kooban 8 carruur ah. Waxa uu ka shaqeeyay muddo shirkad kahor inta uusan u wareegin wasaaradda beeraha Jabaan.

Waxaa kale oo uu la shaqeeyay ciidanka Jabaan sannadkii 1944-kii waxyar kahor dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida.

Waxaa xusid mudan in haweenayda ugu da’da weyn caalamka ku nooshahay isla Jabaan iyada oo da’deeda tahay 117 jir.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version