Home Cayaaro Ousmane Dembele oo qiimaynaya dalab cusub oo uu ka helayo Barcelona

Ousmane Dembele oo qiimaynaya dalab cusub oo uu ka helayo Barcelona

0

Himilo – Barcelona ayaa wada qorshe ay heshiis cusub ugala xaajooneyso Ousmane Dembele iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga soo aadan.

Xiddiga reer France ayaa cadeeyay inuu u qalmo xilli ciyaareedkii hore isagoo hore ula dhibtooday dhaawacyo iyo cabashooyin ku saabsan xirfaddiisa ka dib markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund £ 96million sanadkii 2017.

Mundo Deportivo ayaa haatan ku warameysa in 24 jirkaan iyo wakiiladiisa ay ‘qiimeynayaan’ dalab kordhin shan sano ah oo ay kooxda u soo bandhigtay.

Waxay ku andacoonayaan inuu jiro ‘mashruuc isboorti iyo kala duwanaansho dhaqaale’ oo laga gudbo ka hor inta aan heshiiska la gaarin.

Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, Barcelona ayaa soo bandhigtay dalabkoodii ugu horreeyay ee Dembele laakiin horumar yar ayaa laga sameeyay.

Laakiin madaxweynaha cusub ee Joan Laporta ayaa cadeeyay in garabka uu qayb muhiim ah ka yahay qorshayaasha kooxda.

Dembele ayaa u muuqda mid ku qanacsan kooxda isla markaana dhawaan yiri: ‘Waan faraxsanahay waxaana dareemayaa wanaag.

Dembele ayaa dhaliyay lix gool isla markaana caawiye ka noqday seddex kale xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxaana lafilayaa inuu si aad ah ugu sii fiicnaan doono tirooyinkaas xilli ciyaareedka soo socda isagoo aan dhaawac ku jirin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version