Home COVID 19 Oxford: Tallaalka Covid-19 waxa uu diyaar noqon doonaa December

Oxford: Tallaalka Covid-19 waxa uu diyaar noqon doonaa December

1

Himilo – Seynisyahanada dunida waxey wadaan dedaal ku aadan sidii tallaal loogu heli lahaa feyruska Karona, kaas oo ay qaadeen 43-milyan oo ruux.

Mid ka mid dadaaladaasi waxaa wada jaamacadda Oxford ee laga leeyahay Ingiriiska, cilmibaaraha hormuudka u ah dedaalkaasi, ayaa sheegay in tallaalka covid-19 uu diyaar noqon doono bisha ina soo aadan ee December.

Professor Adrian Hill, ayaa ku andacoonaya in ay tahay in tallalku ogolaansho helo ka hor 25-ka December, si ay u isticmaalaan hawl-wadeenada caafimaadka.

Sida uu daabacay daily mail, Hill, ayaa u sheegay xubnaha machadka Magdalene ee jaamacadda oxford, in ogolaanshiyaha hore uu noqon doono oo kaliya mid loo adeegsanaya dad u nugul feyruska, balse aysan ahayn tu si buuxda loogu isticmaali doono dadka oo dhan.

Tallaalka Oxford oo hadda maraya wijigiisii seddaxaad, ayaa lagu tijaabiyay in ka badan 20-kun oo ruux oo ku kala sugan dalalka UK, Brazil, Koofur Africa iyo Japan.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version