Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Paris Saint-Germain oo hogaamineysa tartanka logu jiro Alexis Sanchez.

Paris Saint-Germain oo hogaamineysa tartanka logu jiro Alexis Sanchez.

3

Muqdisho – Paris Saint-Germain ayaa hogaamineysa tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga naadiga Arsenal ee Alexis Sanchez kaas oo la rumeysanyahay in uu kooxdiisa ka dhaqaaqi karo bisha Janaayo, PSG kooxda ugu weyn oo ay tartan kala kulmeyso ayaana ah Manchester City, sida ay ku warameyso The Mirror.

Heshiiska haatan laacibkan reer Chile uu ku joogo Arsenal ayaa dhaca dhamaadka xilli ciyaareedkan, PSG ayaana la rumeysan yahay inay rajeyneyso helidda qandaraas cusub ka dib markii ay bateen wararka shegaya in Neymar uu u dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid xagaaga soo aadan.

Man City iyo Bayern Munich ayaa weli xiiseynaya inay la soo wareegaan Alexis, inkastoo PSG ay tahay kooxda hadda ugu cad cad.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version