Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Paris Saint-Germain oo lagu abaal mariyay hanashada horyaalka Ligue 1

Paris Saint-Germain oo lagu abaal mariyay hanashada horyaalka Ligue 1

3

Himilo – Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu abaal mariyay hanashada horyaalka Ligue 1 kaddib markii loo hakiyay dhibaatada faafifeysa ee dunida saameysay coronavirus sida ay werisay warsidaha France ee L’Equipe, tanina waxay fursad weyn u tahay kooxda Liverpool si looga caleemo saaro horyaalka Premier League.

Hoggaanka sarre ee France ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in gabi ahaanba la hakiyo olalahaan hadda socda iyada oo ay xilligan L’Equipe werineyso in PSG lagu abaal mariyay horyaalka.

Waxay 12 oo nadiif ah ka sarreeyaan kooxda booska labaad ku jirta ee Marseille inkasta oo ay ka harsanaayeen kulamo kooban.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin wax ku aadan kooxaha u laabatay horyaalka heerka labaad Ligue 2 waxa ayna u badan tahay in dib u laaban karaan naadiyada Nimes, Amiens and Toulouse.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version