Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Paul Pogba oo beeniyay warar sheegayay in heshiis kordhin loo sameeyay

Paul Pogba oo beeniyay warar sheegayay in heshiis kordhin loo sameeyay

0

Himilo – Paul Pogba ayaa qashinka ku daray warar sheegayay inay Manchester United siiyay heshiis cusub oo uu toddobaadkii ku qaadanayo  £500,000.

Xiddigan reer France oo hadda dhaawac ku maqan, wuxuu ku jiraa lixdii bilood ee ugu danbeeyay heshiiskiisa, taas oo la macno ah inuu lacag la’aan ugu biiri karo kooxaha yurub.

Si kastaba waxaa jiray xogo tilmaamayay in Red Devils xiddigooda khadka dhexe ay siisay heshiis uu isbuucii ku qaadanayo £500k si uu u sii joogo. Balse afhayeen u hadlay Pogba ayaa beeniyay sheekadan.

Pogba ayaa dib ugu soo laabtay Manchester United  2016, iyadoo Juventus lagaga keenay £89m, taniyo waagaas wuxuu saftay 212 kulan, Wuxuu dhaliyay 38 gool.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version