Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Paul Pogba uma ciyaarayo Manchester United kulanka Newcastle.

Paul Pogba uma ciyaarayo Manchester United kulanka Newcastle.

0

Muqdisho – Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa lagu soo warramayaa in uusan halis gelin doonin Paul Pogba kulanka Newcastle ee Sabtida.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa seegay 12-kii kulan ee ugu danbeysay ee Red Devils, markii dhaawac muruqa ah uu kasoo gaaray kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Basel ciyaartii Champions League-ga ee dhacay 12-kii September.

Xiddiga reer France ayaa ku soo laabtay Old Trafford isaga oo kaga soo biiray Juventus xagaagii 2016-ka, isla markaana ku yimid 89 milyan oo ginni, ayaa tan iyo markii uu ku soo laabtay xerada tababarka United ee Carrington soo kabsasho wanaagsan ku jiray.

Warar ayaa sheegaya in 24 jirkan uu qabanayo kulamo uu u ciyaarayo kooxda, laakiin sida laga soo xigtay The Telegraph, kulanka todobaadkan ee Newcastle United ayaa ah mid aan lagula soo degdegi doonin Pogba.

Kooxda Mourinho ayaa 8 dhibcood ka hooseysa kooxda hoggaanka heysa ee Manchester City.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version