Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Paul Scholes: “Manchester United waxaa ka maqnaa dedaal”

Paul Scholes: “Manchester United waxaa ka maqnaa dedaal”

0

Muqdisho – Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa ku eedeeyay Red Devils inaysan wax dadaal ah qaban intii ay socotay ciyaartii Talaadadii ay 1-0 kaga badisay Juventus ee tartanka Champions League.

Paulo Dybala ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta, iyadoo Juventus ay seddexda dhibcood ka qaadatay safarkooda Old Trafford.

Scholes ayaanan ka xishooneynin inuu United  dhaleeceynayo xilli ciyaareedkan, laakiin ciyaaryahanka reer England ayaan aaminsaneyn kooxdiisii ​​hore inay ka ceyriso Jose Mourinho, isagoo sheegay in tababaraha reer Portugal uu “wax yar ka duwanaa” isbuucyadii lasoo dhaafay.

Isaga oo kahadlaya saacaddii ugu horeysay ee ciyaarta ayuu yiri “uma maleynayo inaan arkay wax fiican bilowgii hore ee ciyaarta, Juventus waxay aheyd koox heer sare ah,Waxyaabaha murugada leh ma ahan wax ay aqbali karaan taageerayaasha iyo ciyaartoyda “ayuu Scholes u sheegay BT Sport.

“Ma arko waxa ay isku dayayaan inay ku guuleystaan, laakiin lama bedelayo Mourinho, waa tababare rikoor fiican leh, islamarkaana koobab badan ku guuleystay, labadii todobaad ee ugu danbeysay waxa uu sameeyay wax wanaagsan.”

United ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 7dii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan, waxaana ay haatan ku jirtaa kaalinta 10aad ee horyaalka Premier League ka hor kulanka axada oo ay la ciyaarayaan Everton.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version