Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Pele “Mbappe waxa uu noqon karaa Pele-ga cusub”

Pele “Mbappe waxa uu noqon karaa Pele-ga cusub”

0
MOSCOW, RUSSIA - JULY 15: Kylian Mbappe of France celebrates with his Best Young Player Award following the 2018 FIFA World Cup Final between France and Croatia at Luzhniki Stadium on July 15, 2018 in Moscow, Russia. (Photo by Matthias Hangst/Getty Images)

Himilo FM – Halyeyga Brazil Pele ayaa Kylian Mbappe u rajeeyay in uu gaari karo sida isaga oo kale.

Pele ayaa loo tixgeliyaa mid kamid ah kuwii ugu wanaagsanaa ee soo mara dunida xagga kubadda cagta,waxa uu ku guuleystay seddex koob adduun, Santos waxa uu la hantay lix horyaal iyo laba Copa Libertadores.

Weeraryahanka Paris Saint-Germain ayaa doonaya in uu noqdo sida 78-jirka oo kale,wuxuuna laacibkan dhawaan ku guuleystay koobka addunka isaga oo France ka caawiyay hanashada koobkaasi.

“Isagu waxa uu ku guuleystay koob adduun da’da 19-jirka, anniguna waxaan ahaa 17 jir,” ayuu yiri Pele, kaasi oo noqday ciyaaryahankii ugu da’yaraa ee hanta koobka addunka sanaddii 1958.

“Waxaan u maleynayaa in uu noqon karo Pele-ga cusub, dad badan ayaa u maleynayaa in aan ka dhigayo wax qosol ah, laakiin maya, ma ahan kaftan.”

Mbappe ayaa si lama filaan ah ugu soo baxay ninka ugu muhimsan kooxda PSG, kahor inta aan  kabtanka Brazil Neymar lala xiriirin inuu ku laabanayo Barcelona.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version