Home Habka-Nolosha Pirlo oo bilaabay barashada luuqadda Ingiriiska

Pirlo oo bilaabay barashada luuqadda Ingiriiska

0

Andre Pirlo ayaa ka nasanaya horyaalka MLS iyo ka maqnaanshiyaha xulkiisa Talyaaniga ee qeybta ka ah tartanka qaramada qaaradda Yurub.

Pirlo oo ah halyeey qadka dhexe ka cayaara ayaa jeclaan lahaa inuu metelo xulkiisa Talyaaniga hayeeshee macallin Antonio Conte ayaa wiilkan u arka inuusan diyaar u aheyn ka qeybgalka tartankan.

Andre Pirlo ayaa iminka u weecanaya inuu ka faa’ideysto waqtigiisa oo uu u leexdo barashada cilmiga.

Pirlo ayaa doonaya inuu barto afka Ingiriiska, wiilkan ayaana soo dhigay mareegtiisa Twitterka sawir uu la soo galay macilamadiisa, isagoo soo raaciyay “Cashirka Ingiriiska oo ay igu wehliso macalimadeyda.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version