Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro PSG, Barcelona iyo Chelsea oo ku tartamaya saxiixa Onana

PSG, Barcelona iyo Chelsea oo ku tartamaya saxiixa Onana

0

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro goolhayaha kooxda  Ajax Andre Onana sida laga soo xigtay warbixinno.

Cayaaryahanka reer Cameroon ayaa bartilmaameed u noqonaya kooxo badan oo ka cayaara horyaalka Ingiriiska oo ay kamid yihiin Chelsea iyo Tottenham Hotspur. Waxaa kale oo dooneysa kooxda Barcelona.

Onana ayaa sheegay in uu xiiseynayo ku-laabashada Barcelona oo uu ka soo billaabay xirfaddiisa laakiin L’Equipe ayaa soo warineysa in tababare Quique Setien uu la kulmayo tartan adag.

PSG ayaa la tilmaamay inay isha ku heyso 24 jirka iyada oo dalab ka gudbin karta xagaagan. Goor sii horreysay oo sannadkii hore ah ayay xiriir la sameysay. Qandaraaska Onana ee kooxda reer Holland ayaa dhacaya 2022-ka. Waxa uu shaqabiisa ilaashaday siddeed jeer 24 kulan oo xilli cayaareedkan ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version