Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro PSG oo £80m ku dalbatay Matthijs de Ligt

PSG oo £80m ku dalbatay Matthijs de Ligt

0

Himilo FM –Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay oggolaatay 80 Milyan oo ginni si ay ula soo saxiixato daafaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt.

19 jirkan ayaa qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigay xilli ciyaareedkan, taasi oo keentay in kooxo dhowr ah ay ku tartamaan.

Barcelona ayaa u muuqatay mid aad ugu dhaw  De Ligt iyagoo doonaya inay ka garab ciyaarsiiyaan xiddiga reer Holland ee Frenkie de Jong kaasi oo goor sii horreysay ula saxiixdeen .

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Sport, PSG ayaa diyaar u ah inay meel iska saarto kooxda reer Catalan.

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa diyaar u ah inay ka saxiixato shan sanno ah oo qandaraas ah oo uu ku qaadanayo 13.3 milyan oo ginni xilli ciyaareedkii taasi oo ah inka badan laba jibbaar lacagihii ay Barcelona horey u soo bandhigtay oo aheyd £ 6 milyan oo uu sannadkii helayo xiddigan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version