Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro PSG oo dooneysa khad dhexe katirsan Arsenal

PSG oo dooneysa khad dhexe katirsan Arsenal

0

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa xagaaga u dhaqaaqi karta cayaaryahanka kooxda Arsenal ee Matteo Guendouzi.

Cayaaryahanka khadka dhexe ayaa loo badinayaa in uu ka tagayo garoonka Emirates Stadium kahor ol-olaha 2020-21 kaddib markii uusan tababare Arteta ku soo billaabin kulamo badan.

21 jirka ayaa lala xiriiriyay kooxo badan toddobaadyadii tagay, waxaa kamid ah Barcelona iyo Juventus.

Si kasta, sida laga soo xigtay football.london, PSG ayaa dooneysa laacibka Faransiiska xilli Arsenal rajo ka qabto in ay ku iibiso lacag dhan £40m.

Guendouzi ayaa Emirates Stadium kaga soo biiray kooxda Faransiiska ee Lorient sanandkii 2018-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version