Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Puma oo baahisay sirta ka danbeysay in funaanadihii xalay ee Switzerland dildilaacaan

Puma oo baahisay sirta ka danbeysay in funaanadihii xalay ee Switzerland dildilaacaan

0

Cayaartii xiisaha badneyn ee kala baxa Group A oo xalay dhexmartay xulalka Faransa iyo Switzerland ayaa lagu arkay dhacdo indhaha caalamka soo jiidatay, markii shan funaanadood oo ay xirnaayeen xiddigaha xulka Switzerland ay jeexmeen.

Shirkadda agabka cayaaraha soo saarta ee Puma oo soo saartay fanaanadaha xulka Switzerland ayaana ka warbixisay sababtii ka danbeysay inay jeexmaan dhowr funaanadood oo lagu cayaaray xalay.

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa lagu qasbay wiilasha xulka Switzerland saddex kamid ah inay funaanadaha iska bedelaan kaddib markii ay dilaaceen, shirkadda Jarmalka ku taalla ayaase sheegtay inay tijaabo marisay agabyada ay ka sameysan yihiin funaanadaha ay iyadu sameysay iyadoo xustay in cilad ay timid markii agab aan loogu talo gelin lagu badiyay goortii funaanadaha la samaynayay, ciladdan oo kalena aanay kol danbe soo laaban doonin.

Shirkadda Puma ayaa sidoo kale sameysay funaanadaha ay ku dheelayaan xulalka Austria, Czech Republic, Italy iyo Slovakia oo dhammaan qeyb ka ah tartanka Euro 2016.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version