Himilo – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 700 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo ka dhacay Suudaan, kuwaas oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan, taasoo muujinaysa khasaaraha sii kordhaya ee dagaalka sokeeye ee dalkaas oo galay sannadkiisii afaraad.
Mas’uul sare oo gargaarka bini’aadantinimo u qaabilsan QM, ayaa sheegay in inta badan dhimashadu ay dhacday saddexdii bilood ee ugu horreysay 2026, iyadoo weerarro drone ah oo ku dhowaad maalinle ah laga soo sheegay aagagga dagaalka.
Gobollada Kordofan iyo Daarfuur ayay si gaar ah u saameysay, halkaas oo dagaalladu wali si xooggan uga socdaan. Hay’adda carruurta ee QM ayaa sidoo kale ka digtay in weerarrada drone-ku ay qayb weyn ka qaataan khasaaraha carruurta, maadaama ay beegsadaan guryo, suuqyo iyo iskuullo.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo xoogagga RSF ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, halka in ka badan 11 milyan oo qof ay barakaceen. Bulshooyin dhan ayaa laga raray deegaannadoodii, iyadoo xaalado macluul ah ay ka jiraan qaybo ka mid ah dalka.
Hay’adaha QM ayaa sheegay in in ka badan 19 milyan oo qof ay wajahaan cunto yari daran, iyadoo sahayda cuntada, shidaalka iyo adeegyada aasaasiga ah ay sii yaraanayaan.
Dhanka kale, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa sheegay in in ka badan 11,000 qof la la’yahay tan iyo markii dagaalku billowday, tiradaas oo si weyn u korortay sanadkii la soo dhaafay. Burburka shabakadaha isgaarsiinta ayaa qoysas badan ka dhigay kuwo aan wax war ah ka hayn ehelkooda.
QM waxay ku tilmaantay Suudaan inay tahay masiibada bini’aadantinimo ee ugu weyn dunida, iyadoo ku dhowaad laba-meelood laba dadka dalka ay u baahan yihiin gargaar. Inkastoo gargaar la gaarsiiyay malaayiin qof, haddana waxaa jira maalgelin la’aan ba’an, iyadoo la digayo in dagaalka sii socda iyo sicir-bararka caalamiga ah ay sii xumeyn karaan xaaladda oo ay dad badan ku riixi karaan macluul daran.
