Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Rakaab diyaaradeed oo argagaxay markii ay arkeen mas la saaran

Rakaab diyaaradeed oo argagaxay markii ay arkeen mas la saaran

1

Himilo – Diyaarad duulimaad  gudaha ah ka sameysay Malaysia ayaa si deg deg ah u degtay kadib markii rakaabkii saarnaa diyaaradda ay arkeen mas kula dhex jira diyaaradda.

AirAsia ayaa xaqiijisay in duulimaad oo ka yimid Kuala Lumpur kuna socday Tawau loo weeciyay Kuching markii duuliyaha lagu wargeliyay joogitaanka mas ee qeybta rakaabka.

“Tani waa dhacdo naadir ah oo ku dhici karta diyaarad kasta waqti ka waqti,” Liong Tien Ling, madaxa ammaanka ee AirAsia, ayaa u sheegay Malay Mail.

Fiidiyow la soo galiyay TikTok ayaa muujinaya maska oo dhex mushaaxaya diyaaradda. Shirkadda ayaa sheegtay in shaqaaluhu ay diyaaradda ka baareen maskii kaddib markii ay ku degtay Kuching, balse ma cadda in masku weli ku jiro. Wax dhaawac ah lama soo sheegin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version