Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid iyo PSG oo isha ku haya laacib katirsan Arsenal

Real Madrid iyo PSG oo isha ku haya laacib katirsan Arsenal

0

Himilo – Kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa la tilmaamayaa inay labaduba isha ku hayaan dhaqdhaqaaqyada cayaaryahanka Gabriel Martinelli.

Laacibka 18 jirka ah ayaa Gunners-ka kaga soo biiray Ituano xagaagii tagay isaga oo sameeyay bandhiga wanaagsan xilli cayaareedkan. Waxa uu dhaliyay 10 gool, 24 kulan oo ah dhammaan tartamada.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Real Madrid iyo PSG ayaa labaduba qiimeynaya dhaqdhaqaaqa da’yarka kahor inta aysan sameyn dalabaad suuq furanka xagaaga.

Wararka ayaa tilmaamaya in kooxda Mikel Arteta ka baqdin qabto inay weyso 23 jirka reer Brazil haddii ay boos ka xaqiijin weydo Champions League ol-olaha 2020-21.

Laacibka Koonfur Ameerika ayaa shabaqa soo taabtay seddex jeer 14 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version