Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo aan iibsan doonin cayaaryahanno illaa 2021

Real Madrid oo aan iibsan doonin cayaaryahanno illaa 2021

0

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka dooneyso iibinta cayaaryahanno badan halkii ay ka soo iibsan laheyd laacibiin cusub oo ku biiraya safkeeda.

Los Blancos ayaa ku socota wadada guushii ugu horreysay ee horyaalka La Liga tan iyo muddo seddex sanno ah.

Sababtan arrintan ayaa loo tiirinayaa saameynta dhaqaale ee uu reebay xannuunka Karoona. Si kasta, warbaahinta Spain ee Marca ayaa tilmaameysa in Madrid aysan iibsan doonin cayaaryahanno illaa 2021-ka.

Taa beddalkeeda, Zinedine Zidane ayaa qorsheynaya in cayaaryahannada laga uruuriyo lacag dhan €200m (£180m) xilli la iibiyay Achraf Hakimi iyo Javi Sanchez.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version