Home Cayaaro Real Madrid oo Barcelona iyo Liverpool kula tartameysa laacib katirsan PSG

Real Madrid oo Barcelona iyo Liverpool kula tartameysa laacib katirsan PSG

0

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhawaanayso cayaaryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Tanguy Kouassi.

17 jirka ayaa dhaliyay seddex gool 13 kulan ol-olaha 2019-2020 laakiin qandaraaskiisa kooxda Faransiiska ayaa dhacaya dhammaadka bishan June.

Kooxo badan sida Barcelona iyo Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay xiiseynayaan cayaaryahanka Faransiiska ah.

Si kasta, sida laga soo xigtay Le 10 Sport, Madrid ayaa sidoo kale dooneysa daafaca iyada oo ku dhawaatay si looga hadlo heshiiska lagula soo wareegi karo laacibka.

AC Milan iyo RB Leipzig ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay la dhacsan yihiin qaab-cayaareedka Tanguy Kouassi.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version