Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo dib ugu yeeraysa laacib ay ammaah ku dirtay

Real Madrid oo dib ugu yeeraysa laacib ay ammaah ku dirtay

0

Himilo- Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso rajada ah inay dib ugu soo celiso Martin Odegaard xilli hore amaahda uu ku joogo Real Sociedad.

Weeraryahanka reer Norwey ayaa cinwaanno caalami ah sameeyay markii Los Blancos ay ka bixisay lacag dhan 2.6 milyan ginni markii uu ahaa 15 jir.

Ka dib sannado dhawr ah ayuu cidlada joogay, Odegaard wuxuu la yaab ku noqday La Liga isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareedkiisa inta lagu gudajiray toddobaadyadii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay Diaro AS, kooxda Madrid ayaa leh ikhtiyaar ay dib ugu yeerato da ‘yarkaan labada sano ee amaahda ah ee uuku  joogo San Sebastian.

Odegaard ayaa amaah ku qaatay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeysay Eredivisie, isagoo u ciyaaray Heerenveen iyo Vitesse, ka hor inta uusan ku laaban Spain xagaagii.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version