Home Habka-Nolosha Real Madrid Oo dooneysa Donnarumma

Real Madrid Oo dooneysa Donnarumma

0

Sida ay tilmaameyso majaladda SPORT ee gobolka Catalonia kooxda Real Madrid ayaa isha ku heysa iney lasoo saxixiato goolhayaha da’da yar ee kooxda Milan Gianluigi Donnarumma.

17-jirkaan heerka caalami ayaa ku guuleystay inuu noqdo goolhayaha koowaad ee kooxda Milan isagoo aad u da’yar sidoo kalana wuxuu noqday ciyaariyahankii ugu da’da yaraa ee xulka Azzurri garoon u gala tan iyo sanadkii 1911-kii markii uu kaulankiisii ugu horeeyay isbuucii lasoo dhaafay ka hortagay France.

Wargeyskaan laga leeyahay Spain ayaa aaminsan in madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez uu taageero weyn u yahay goolhayahaan da’da yar ee ay magaca wadaagaan halyeyga Italy iyo Juventus  [Gianluigi] Buffon’.

Dhanka kalana Zidnedine Zidane ayaa doonaya inuu dooqa labaad ee kooxda Real Madrid dhanka goolka ka dhigo wiilkiisa 18-jirka ah ee Luca Zidane, halka Perez uu isha ku haayo inuu Donnarummaa keeno caasimadda Spain.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version