Home Cayaaro Real Madrid oo fasaxeysa Lucas Vasquez

Real Madrid oo fasaxeysa Lucas Vasquez

0

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay fasaxeyso Lucas Vasquez xagaagan sida laga soo xigtay warbaahinta Spain.

Cayaaryahanka 28 jirka ayaa keliya ku soo billowday lix kulan oo La liga ah xilli cayaareedkan isaga oo caawiyay seddex gool ol-olaha 2019-20

Qandaraaska laacibka reer Spain ee Bernabeu ayaa ku eg dhammaadka xilli cayaareedka soo socda.

Marka la eego AS, Madrid ayaa diyaar u ah inay fasaxdo weeraryahanka inta lagu guda jiro suuq furanka soo socda. Warbixinnada ayaa intaa raacinaya in Vazquez aan la siin doonin fursad heshiis cusub ah.

Laacibka ayaa ka soo muuqday 200 kulan oo Real Madrid ah dhammaan tartamada oo idil laakiin waxaa inta badan loo isticmaali jiray beddal tan iyo markii uu ammaah kaga soo laabtay Espanyol.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version