Home Habka-Nolosha Real Madrid oo goortii 11aad hanatay Champions League

Real Madrid oo goortii 11aad hanatay Champions League

0

Sergio Ramos ayaa goolka koowaad ee garoonka dhaliyay daqiiqaddii 15aad ee bilowga cayaarta kaddib caawin uu sameeyay Gareth Bale.

Yannick Carrasco oo bedel cayaarta kusoo galay ayaa kulanka ka dhigay barbaro min gool ah kaddib markii uu gool ku laad iska qasaariyay Griezmann.

Kulanka ayaa ku idlaaday barbarahaa, waxaana loo baahday in waqti dheeri ah lagu daro, hayeeshee waqtigii dheeriga ahaana laguma kala bixin.

Gool ku laadyo ayay howshu ku biyo shubatay, wiilka dhaawaca ku dheelayay Cristiano Ronaldo ayaana gool ku laadkii u danbeeyay shabaqa cujiyay markii Juanfran uu kooxdiisa ka qasaariyay gool ku laadkiisii.

Real Madrid ayaana goorteedii 11aad hanatay taariikhda tartankan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version