Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo isha ku heysa beddelka Raphael Varane

Real Madrid oo isha ku heysa beddelka Raphael Varane

0

Himilo – Real Madrid ayaa lagu warramayaa in ay isha ku hayso laacibka  Sevilla daafaca ugu ciyaara ee Jules Kounde si uu beddel ugu noqdo Raphael Varane kaasi oo lala xiriirinayo in uu ka dhaqaaqayo garoonka Bernabeu.

kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa labaduba la rumeysan yahay in ay daneynayaan la saxiixashada Varane, xilli laacibkaan uu qandaraaskiisa kooxda uu ku egyahay June fasalka soo aadan.

Sida uu werinayo Marca, tababare Zinedine Zidane ayaa Kounde u arka musharrax ku habboon beddelka ku guuleystaha koobka adduunka kahor ololaha 2021-22.

Kounde waxa uu qandaraaska uu ku joogo Estadio Ramon ku egyahay June 2024, balse waxaa la rumeysan yahay in heshiiskiisa lagu burburin karo adduun lacageed dhan £68milyan oo Gini.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version