Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo ka talo-baxday tartanka loogu jiro Kane

Real Madrid oo ka talo-baxday tartanka loogu jiro Kane

0

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka talo-baxday tartanka saxiixa cayaaryahanka kooxda Tottenham Hotspur Harry Kane.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay warar badan markii uu shaaciyay in uu ka tagayo kooxda tababare Jose Mourinho xagaaga isaga oo qiray in uu ka arrinsanayo mustaqbalkiisa haddii kooxda aysan ku socon hannaanka saxda ah. Tan iyo xilligaasi, Madrid iyo Man United ayaa xiiseynayay oo si weyn loola xiriiriyay laacibka.

Si kasta, sida laga soo xigtay Daily Mail, Los Blancos ayaa ka talo-baxday tartanka loogu jiro Kane oo hadda ka soo kabanaya qalliin lagu sameeyay.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in Los Blancos si lamid ah Spurs inay walwal badan ka qabto saameynta dhaqaale ee safmarka Corona oo wax badan ka beddalay jadwalka cayaareedka ee caalamka oo dhan.

Qandaraaska 26 jirka ee Tottenham ayaa ku eg xagaaga 2024-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version