Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo keliya £50 Milyan ku dooneysa saxiixa Pogba

Real Madrid oo keliya £50 Milyan ku dooneysa saxiixa Pogba

0

Himilo – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku qiimeynayso khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba lacag aan ka badneyn £50 Milyan.

Wararka la xiriira cayaaryahanka qaranka Faransiiska ayaa soo badanayay toddobaadyadii ugu danbeeyay iyada oo wakiilkiisa Mino Raiola uu dhowr jeer ka hadlay mustaqbalka laacibka ku guuleystay koobka adduunka.

Juventus ayaa la rumeysan yahay inay ka go’an tahay saxiixa 26 jirka suuq furanka xagaaga laakiin Real Madrid ayaa sidoo kale muujineysa xiiso.

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, kooxda tababare Zinedine Zidane ayaa dooneysa cayaaryahanka khadka dhexe balse ma diyaarin kharash ka badan £50 Milyan.

Pogba ayaa keliya saftay siddeed kulan xilli cayaareedkan, waxaa ugu wacnaa dhaawacyo. United ayaa la aaminsan yahay inay ku dooneyso laacibka adduun dhan £150 Milyan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version