Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo ku kalsoon in Mbappe uu imaanayo garoonka Bernabeu

Real Madrid oo ku kalsoon in Mbappe uu imaanayo garoonka Bernabeu

0

Himilo – Real Madrid ayaa ku kalsoon in cayaaryahanka PSG ee Kylian Mbappe uu u soo wareegi doono garoonka Bernabeu xagaaga soo socda.

21 jirka ayaa kamid ah liiska cayaaryahannada ay dooneyso Real Madrid laakiin qiimaha lagu doonayo ayaa ka dhigaya heshiiska mid adag.

Si kasta, Qandaraaska Mbappe ee Parc des Princes ayaa dhacaya 2022-ka . Marca ayaa soo warineysa in PSG iibin doonto laacibka xagaaga soo socda haddii ay la gaari waayaan heshiis muddo kordhin ah.

Waxaa la rumeysan yahay in qiimaha lacageed ee cayaaryahanka uu isbadali doono inkasta oo heshiiska Mbappe uu sameyn karo taariikh weyn.

Mbappe ayaa dhaliyay 30 gool isaga oo caawiyay 17 kale 33 kulan oo PSG Ah ol-olaha 2019-2020.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version