Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo Raphael Varane aan ku iibin doonin qiimo ka yar...

Real Madrid oo Raphael Varane aan ku iibin doonin qiimo ka yar 500 Milyan

0

Himilo FM –Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay diidan tahay inay ku iibiso Raphael Varane xagaaga suuqa kala iibsiga qiimo aan ka yareyn 429 milyan oo ginni.

Manchester United ayaa si aad ah loola xiriirinayay ciyaaryahanka reer France toddobaadyadii la soo dhaafay iyadoo lagu soo waramayo in laacibkan uu doonayo inuu ka tago caasimadda Spain.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay shabakadda Goal.com, Los Blancos ayaa diidi doonta inay iska iibiso xiddiga ku guuleystay koobka adduunka 2018.

Varane ayaa 268 kulan u saftay Madrid tan iyo 2011-kii isaga oo ka yimid Lens, waxa uu ku guuleystay labo horyaal, hal Copa del Rey iyo afar Champions League intii uu joogay kooxda.

Qandaraaska daafaca dhexe waxa uu dhacayaa xagaaga 2023.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version