Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo u weecatay bedelka Karim Benzema

Real Madrid oo u weecatay bedelka Karim Benzema

0

Himilo FM –Kooxda Real Madrid ayaa soo bandhigtay xiisha ay u qabto weeraryahanka Benfica Luka Jovic.

Karim Benzema ayaa haatan ah weeraryahanka koowaad ee weerarka ka ciyaara  ee garoonka Bernabeu, laakiin xiddiga reer France ayay haatan da’diisu tahay 31 jir, Real ayaana u baahan weeraryahan mustaqbal ku lahaan karo kooxda sannadaha soo aadan.

Xiddiga Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa ahaa dooqa koowaad ee weerarka kooxda laakiin sida laga soo xigtay jariiradda Marca, Real ayaa u weecatay Jovic.

Jovic ayaa haatan qandaraas kula jira Benfica, laakiin 21 jirkan ayaa 18-kii billood ee lasoo dhaafay waxa uu ku kharasha gareeyay u ciyaarista kooxda Eintracht Frankfurt.

Laacibkan u dhashay dalka Serbia ayaa 21 gool dhaliyay 39 kulan oo uu ciyaaray  tan iyo markii uu billowday xilli ciyaareedkii hore.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version