Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo waayi doonta 11 ciyaaryahan kulanka maanta

Real Madrid oo waayi doonta 11 ciyaaryahan kulanka maanta

0

Himilo – Real Madrid ayaa waayi doonta ilaa 11 ciyaartoy oo kooxda kowaad ah kulanka ay la ciyaari doonto Athletic Bilbao.

Los Blancos waxa ay la ildaran tahay COVID-19 oo ka dillaacay kooxdeeda, iyaga oo diiwaangeliyay siddeed tijaabo positive ah usbuucii la soo dhaafay.

Kooxda ayaa xaqiijisay in David Alaba iyo Isco ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee uu haleelay fayraska, iyagoo kula biiray Luka Modric, Marcelo, Marco Asensio, Gareth Bale, Rodrygo iyo Andriy Lunin.

Kuwaas, Modric ayaa tan iyo markaas ku soo laabtay baaritaan taban, laakiin waxa uu sii wadaa in uu la kulmo calaamado, waxaana uu seegi doonaa kulanka Arbacada ee San Mames.

Iyadoo Dani Carvajal iyo Dani Ceballos ay haatan dhaawac ku maqan yihiin halka Casemiro uu ganaax ku maqan yahay, Carlo Ancelotti ayaa 11 ciyaaryahan ka maqnaan doona kulanka ugu dambeeya ee kooxdiisa ee 2021.

Kooxda reer Spain ayaa sidoo kale weyn doonta kaaliyaha tababare Davide Ancelotti, kaasoo sidoo kale laga helay cudurka ‘coronavirus’.

Real Madrid ayaa 10-kii kulan ee isku xigtay ay guusha gaaraysay la soo gaba gabeeyay kadib markii ay barbaro 0-0 ah la gashay kooxda Cadiz axadii, laakiin waxay wali shan dhibcood ku hayaan hogaanka La Liga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version