Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo xiriirkii ugu horreeyay la sameysay Sadio Mane

Real Madrid oo xiriirkii ugu horreeyay la sameysay Sadio Mane

0

Himilo- Real Madrid ayaa la tilmaamayaa inay xiiseynayso saxiixa ciyaaryahanka Sadio Mane iyadoo la sameysay xiriirkii ugu horeeyay wakiilada ciyaaryahanka.

Kooxda ka dhisan Spain ayaa loo badinayaa inay iibin doonto ciyaaryahanada Gareth Bale iyo James Rodriguez dhammaadka xilli ciyaareedkan xilli tababare Zinedine Zidane uu doonayay in uu xoojiyo weerarkiisa.

Karim Benzema ayaa noqday keliya weeraryahanka Santiago Bernabeu ee si joogta ah u dhaliya goolal. Waxa uu leeyahay 12 gool oo La Liga ah halka ciyaaryahanada Bale, Rodriguez, Eden Hazard, Vinicius Jr, Luka Jovic iyo Rodrygo ku guuldareysteen inay inka badan labo jeer soo taabtaan shabaqa.

Zidane ayaa u arka ciyaaryahanka reer Senegal, Mane mid xal u noqon kara dhibaatooyinka Real Madrid inkastoo Liverpool aysan dooneyn inay iibiso ciyaaryahanka oo kamid ah tiirarka kooxda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version