Home Habka-Nolosha Romania: 76% dadka waa kuwa yaqaana sida rinjiga loo mariyo guryaha

Romania: 76% dadka waa kuwa yaqaana sida rinjiga loo mariyo guryaha

0

Himilo – Daraasad cusub ayaa muujisay in 76% dadka ku nool Romania inay doorbiddaan inay qudhooda rinjiga mariyaan guryaha marka ay u baahdaan iyaga oo kaashanaya xubin kamid ah qoyska ama qof saaxiib ah.

Baaritaanka uu daabacay bogga Romania Insider ayaa lagu sheegay in 24% dadka dalka inay u yeertaan xirfadlayaasha sameeya rinjiyeynta. Waxaa intaa la raaciyay in dumarka ugu badan yihiin kuwa wacda shaqaalaha xilli ragga daneeyan inay shaqada qabsadaan.

Midabka ugu badan oo ay adeegsadaan dadka Romania waa caddaanka oo la mariyo suuliga iyo kushiinka ama madbakha halka midabada kale loo adeegsado qolalka.

Dadka ka qeyb galay daraasadda ayaa ka hadlay caqabadaha rinjiyeynta guryaha, waxay sheegeen inay ugu adag tahay nadaafadda ka horreysa howsha iyo tan ka danbeysa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version