Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Ronaldo oo mar kale loo magacaabay xiddiga sannadka Portugal

Ronaldo oo mar kale loo magacaabay xiddiga sannadka Portugal

0

Himilo – Weeraryahanka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu fiican Portugal ee sannadka 2019.

Ronaldo ayaa qaatay billada dalkiisa laga bixiyo ee ‘Best Men’s Player’, Ciyaaryahanka ugu fiican ragga taasoo la micno ah inuu haatan ku guuleystay abaalmarin kasta oo Quinas de Ouro ah (2015, 2017, 2018 iyo 2019).

34 jirkan ayaa kooxda Juventus u dhaliyay 28 gool oo Serie A ah isagoo xagaagii lasoo dhaafay ka yimid Real Madrid.

Wuxuu sidoo kale qaab ciyaareed heer sarre ah kula jiray Portugal, taasoo u horseeday inay hantaan koobka Nations League ee xagaaga.

Ronaldo waxaa uu billadan ka  qaaday xiddiga Atletico Madrid Joao Felix, kan Manchester City Bernardo Silva, khadka dhexe ee Sporting Lisbon Bruno Fernandes  iyo Wolves laacibkooda Ruben Neves.

Ronaldo ayaa waayay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee Uefa iyadoo ay sabab u tahay daafaca Liverpool Virgil van Dijk, waxaana uu doonayaa inuu ku guuleysto abaalmarinta FIFA The Best ka dib markii la magacaabay.

Sida loo kala hantiyay billadihii laga bixiyay dalka Portugal

Xiddiga sannadka: Cristiano Ronaldo (Juventus)

Ciyaaryahanada  sannadka: Jessica Silva (Levante / Lyon)

Tababaraha sannadka ragga: Bruno Lage (Benfica)

Tababaraha sannadka ee haweenka: Miguel Santos (Braga)

Kooxda sannadka ee ragga: Benfica

Kooxda sannadka ee haweenka: Benfica

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version