Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Rooney oo aan qabin in City ay kamid tahay kooxaha abid ugu...

Rooney oo aan qabin in City ay kamid tahay kooxaha abid ugu fiican horyaalka.

0

Muqdisho – Wayne Rooney ayaan wali aaminsanayn in Manchester City ay kamid tahay kooxaha abid ugu fiican horyaalka taariikhdiisa.

City waxay 4-1 ku dhirbaaxday kooxda Tottenham taas oo dhigtay 14 dhibcood oo nadiif ah inay kaga sarreeyaan kooxda kusoo xigta ee Man United oo maanta la ciyaaraysa West Brown.

Wayne Rooney ayaa qirsan in sanadkan kooxdu ay heysato tayo dahabi ah, hayeeshe aysan sameynin bootin dheer oo loogu aqoonsan karo mid kamid ah kooxaha abid ugu fiicnaa horyaalka PL.

“Ma hubo inay tayadaas gaari karaan. Waxaa sugaya jid dheer inay ku gaaraan darajadaas,” ayuu yiri.

Rooney ayaan sidoo kale hubin in xittaa City ay sida Arsenal oo kale xagaagan ku dhameysan doonto guul-darro la’aan.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version