Home Macluumaad Ruushka oo dib u celiyay 20 Milyan oo cayayaan ah oo dalkaasi...

Ruushka oo dib u celiyay 20 Milyan oo cayayaan ah oo dalkaasi loo dhoofiyay

0

Himilo – Saraakiisha hay’adda kormeerta caafimaadka xayawaanada iyo dhirta ee dalka Ruushka ayaa ku guuleystay inay qabtaan shixnad xasharaad gaaraya 20 Milyan oo laga soo dhoofiyay Ingiriiska.

Ilo wareedyo laga helay hay’adda Rosselkhoznadzor ayaa tilmaamay in garoonka Vonocovo ee ku yaalla magaalada Moscow lagu qabtay 20 Milyan iyo 55 kun oo ah cayayaanka nool islamarkaana laga keenay Ingiriiska.

Warka ayaa intaa raacinaya in dib loo celiyay cayayaanka markii la waayay dukumentiyada loo baahan yahay in la soo raaciyo ee la xiriira caafimaadka xasharaadka.

Hay’adda federaalka Ruushka ee qaabilsan caafimaadka xayawaanada iyo dhirta ee Rosselkhoznadzor ayaa caddeysay in aysan bixin fasaxa dalka lagu keenayo cayayaankaasi.

Maamulka Ruushka ma uusan shaacin nuuca cayayaanka iyo cidda soo dhoofsatay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version