Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Sadio Mane oo ku garaacay Salah ciyaaryahanka sannadka ee qaaradda Afrika

Sadio Mane oo ku garaacay Salah ciyaaryahanka sannadka ee qaaradda Afrika

0

Himilo – Sadio Mane ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka sannadka ee qaaradda Afrika ee 2019 Confederation of African Football’s Player of the Year.

Weeraryahanka reer Senegal ayaa ku garaacay abaal-marintan laacibka ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah- oo horay u qaaday sannadihii 2017 iyo 2018 iyo weeraryahanka Man City Riyad Mahrez.

Codadka abaal-marinta ayaa laga qaaday tababarayaal, agaasimayaasha farsamo iyo kabtanada ururada Afrika ee kubadda cagta.

Mane oo ku guddoomay abaal-marinta xaflad lagu qabtay Masar ayaa yiri “ kubadda cagta waa shaqadeyda, waan jeclahay. Xaqiiqdii, waan faraxsanahay aniga oo ku faanaya abaal-marinta.”

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan jeclahay in aan u mahadceliyo qoyskeyga, gaar ahaan adeerkay oo halkan jooga, kooxdeyda qaranka, asxaabteyda Liverpool, shaqaalaha iyo qof kasta.”

Ciyaaryahanka 27 jirka ah ayaa dalkiisa Senegal ka caawiyay in uu gaaro final-ka koobka qaramada Afrika ee Africa Cup of Nations.

Waxaa intaa dheer in Mane uu kula guuleystay kooxdiisa Liverpool koobka Champions League xilli ciyaareedkii 2018-2019 isaga oo billada Golden Boot ee Horyaalka Ingiriiska la qeybsaday ciyaaryahanada Afrika ee Salah iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version