Home Cayaaro Sarri oo qirtay in uu ku dhibtooday xiriirka cayaaryahannada Chelsea

Sarri oo qirtay in uu ku dhibtooday xiriirka cayaaryahannada Chelsea

0

Himilo – Maurizio Sarri ayaa qiray in uu ku dhibtooday dhisidda xiriir adag oo uu la sameeyo cayaaryahannada kooxda Chelsea xilli cayaareedkii hore.

Inkasta oo Sarri uu ku dhammeystay sannadkiisii Stamford Bridge in uu ku guuleystay koobka Europa League haddana ninka reer Talyaani ayaa lagu dhaleeceeyay qaab-cayaareedka iyo xiriirka uu la leeyahay cayaaryahannada.

Sarri oo hadda maamula Juventus ayaa qirtay in xiriir aan wanaagsaneyn uu kala dhaxeeyay qaar kamid ah cayaaryahannada Chelsea balse waxa uu ku adkeystay in wax kasta la dhammeeyay kahor inta uusan ka soo tagin kooxda.

61 jirka ayaa loo diiwaan geliyay 39 guul isaga oo keliya guuldareystay 11 jeer 63 kulan oo uu ahaa tababaraha Chelsea.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version