Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Sawirro: 50 sanno kaddib, masjidkii ugu horreeyay oo laga furay Slovenia

Sawirro: 50 sanno kaddib, masjidkii ugu horreeyay oo laga furay Slovenia

0

Himilo – Sannado badan, Slovenia ma aysan laheyn wax masjid ah tan iyo markii uu burburay masjidka keliya ee ku yaallay kaddib dagaalkii koowaad.

Muslimiinta Slovenia ayaa saxiixay sannadkii 1964-kii qorshe lagu dhisayo masjidkii ugu horreeyay.

Toddobaadkan, inka badan 50 sanno kaddib, Slovenia ayaa laga daah furay masjidkii ugu horreeyay oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ljubljana.

Hoggaamiyaha bulshada Islaamka, Nedzad Grabus ayaa Business Recorder u sheegay in masjidka ay noloshooda u jiheyn dooonaan.

Slovenia waa dalkii ugu danbeeyay ee ka tirsanaa Yugoslav oo laga hirgeliyo masjid.

Dhismaha ayaa billowday sanndkii 2013-ka, qiimaha lagu dhisay ayaa lagu sheegay 34 Milyan oo Euro, 28 Milyan oo kamid ah waa deeq ka timid Qatar, sida ay werisay Grabus.

Masjidkan ayaa qaadi kara 1400 qofood.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version