Home Habka-Nolosha Sawirro: Chechnya oo daah furtay masjidka ugu weyn uguna quruxda badan Yurub

Sawirro: Chechnya oo daah furtay masjidka ugu weyn uguna quruxda badan Yurub

0

Himilo –Maamulka jamhuuriyadda Chechnya ayaa furay masjidka ugu weyn Yurub kaddib xaflad weyn oo loo qabtay munaasabadaasi.

Masjidkan oo lagu nashqadeeyay mutuleel ayaa qaadi kara 30 kun oo qofood, waxayna maamulka Chechnya ku tilmaameen “ Masjidka ugu weyn uguna quruxda badan Yurub.”

Ramzan Kadyrov oo ah madaxweynaha Chechnya ayaa sheegay in masjidka laga dhisay magaalada Shali oo ay ku nool 54 kun oo qofood in uu yahay masjid leh qurux gaar ah.

Maamulka Chechnya ayaa sidoo kale ubaxyo ku tallaalay beeraha masjidka oo qaadi kara 70 kun oo qofood.

Madaxweyne Ramzan oo uu Putin u magacaabay hoggaaminta jamhuuriyadda ay ku badan yihiin Muslimiinta ee Chechnya ayaa ku guuleystay in uu dhiso dhowr iyo tobban masjid.

Fadlan daawo sawirrada hoose ee masjidka


NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version