Home Cayaaro Sergio Ramos oo rajaynaya muddo kordhin hal sano ah

Sergio Ramos oo rajaynaya muddo kordhin hal sano ah

0

Himilo – Sergio Ramos ayaa la werinayaa in qallinka ku duugi doono muddo kordhin hal sano ah oo uu u sameyn doono kooxda Real Madrid.

Laacibkan oo shan bil kaga harsan tahay in uu jirsado 35 sano, ayaa weli kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Bernabeu, waxa uu gool ku lahaa guushii ay ka gaareen Barcelona billowga isbuucaan.

Si kastaba sida ay werinayso Marca, kooxda ayaan qorsheeneynin in Ramos u kordhiyaan heshiis ka badan hal sano oo uu kooxda kusii joogayo.

Ramos ayaa safka kooxda Los Blancos, kamid ahaa muddo 15 sano isaga oo lagu tilmaamo halyeeyada sida daacadda ah ugu adeegay kooxdan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version