Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Sergio Romero oo sii joogaya Man Utd

Sergio Romero oo sii joogaya Man Utd

0

Himilo FM – Sergio Romero ayaa lagu soo waramayaa in uu hoos u dhigay ka tagista kooxda Man Utd xagaagan, inkastoo goolhayahan  uu ku dhibtooday kubadda cagta.

Romero oo Man Utd ugu biiray si bilaash ah 2015-kii ayaa u ciyaaray 42 kulan kooxda Red Devils dhammaan tartamada isaga oo waxqabad fiican soo bandhigay xagaagii 2016-17.

31-jirkan ayaa ah dooqa labaad ee garoonka Old Trafford isaga oo ka danbeeya David de Gea, laacibkan ayaa kasoo muuqday afar kulan xilli ciyaareedkan dhammaan midna kuma jiro Premier League.

Sida laga soo xigtay The Sun, Romero waxaa u imaanaya dalabyo kala duwan xilli ciyaareedkan, kooxahaasi oo ka ciyaara horyaalada Spain and Italy, waxaana intaasi dheer inay xiiso u heyso kooxda reer Argentina ee Boca Juniors.

Si kastaba ha ahaatee, xiddigan ayaa ku faraxsan in uu baaqi kusii ahaado kooxda Manchester United isaga oo ka danbeyn doona goolhayaha reer Spain,waxaana uu laacibkan toddobaadkii ka helaa naadiga £65,000.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version