Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Shaqaale banki oo adduun lacageed si kama’ ah ugu riday gudaafadda qashinka

Shaqaale banki oo adduun lacageed si kama’ ah ugu riday gudaafadda qashinka

0

Muqdisho – Shaqaale banki ayaa argagaxay kadib markii lacag kaash ah ay ku dareen qashinka – balse qarwaaqsaday gafkooda xilli gaariga lagu daabulo qashinka uu meesha ka dhaqaaqay.

Maamulka bangiga ayaa sheegay in falkani uu soo shaac baxay maalintii Khamiista.

Shaqaalaha ayaa si shil ah waxay lacagta oo dhan 50,000 oo Euro ah – una dhiganta $54,000 – ugu dareen gudaafadda loogu tala-galay in lagu guro qashinka iyo agabyada aan loo baahneyn ee bangiga ka yimaada.

Subaxdii Jimcaha, maamulka bangiga ayaa la xiriiray waaxda nadaafadda iyo bilicda deegaanka iyaga oo uga warramay shilka – weydiistayna kaalmo ay ku gacan siiyaan haddii ay dib u heli karaan lacag iyo in kale.

Si kastaba, kadib baaris qaadatay muddo saacado waxaa suura-gashay in dib loo helo baagag ay ku shaabadeysan yihiin naqshadda bangiga. Markii la furayna waxaa loogu tagay lacagtii la tuhmay inay ku maqneyd xaggooda oo dhan $54,000.

Ugu danbeyn lacagta ayaa kusoo noqotay keydka bangiga, waxaana ay shaqaaluhu awoodeen inay dib u saxaan tirinta xisaabtooda.

Hayeeshe, waxaa la yaabka noqotay ayaa ah in maamulka bangiga ay u sheegeen shaqaalahooda inay tani tahay gef caadiyan ka dhaca Insaanka oo ay shaqadooda si niyad leh ku wadan karaan.

Isha: radiohimilo.so

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version