Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Sheekada Askarigii xanbaaray xaajigii waayeelka ahaa!

Sheekada Askarigii xanbaaray xaajigii waayeelka ahaa!

0

Himilo –Majed Ali Al-Hakami, oo kamid ah ilaalada xajka kaas oo sawir uu xanbaarsan yahay xaaji waayeel ku baahay baraha bulshada, ayaa sheegay in diinta Islaamka iyo dadnimada insaaniyadda ay yihiin labada dhiirri-geliye ee ka dhigay caawiye dhab ah.

al-Hakami wuxuu yiri; ‘Waa waajib na wada saaran ka ilaalada xajka ahaan. Waana inaan dusha u ridan karnaa qancinta iyo u raaxeynta martida Eebbe.”

“Markii aan halkan ka howl-galeynay waxaan maanka ku heynay inaysan jirin fursad aan ku nasan karno haddii ay jirto waddo xujeydu noojinaysa.”

Isaga oo ka hadlaya sheekada sawirka, wuxuu yiri; “Waxaan arkay waayeelka oo xanuun daran la socon la’. Markii aan la hadlayna, ma aanan fahmi karin afka Urduuga oo uu ku hadlayay. Laakiin waxaan madaxa uga shubay biyo qabow. Waxaana intaas kaddib dareemay inaysan taasi ku filneyn. Waana markii aan isaga oo dhan xanbaarsaday si aan u geeyo goobta caafimaad ee ugu dhow.”

“Waxaan dareemay raxmad iyo barako,” ayuu yiri isaga oo la hadlaya al-Arabiya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version