Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Sheekada: Ninkii maska ka dhigtay Af-saabka

Sheekada: Ninkii maska ka dhigtay Af-saabka

0

Himilo – Waxey ahayd dhacdo layaab leh, markii gaari rakaab siday oo kusii jeeday magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska lagu dhex arkay nin xirayn af-saab cajiib ah. Waa mas nool oo uu ku duubtay qoorta illaa afka.

Mid ka mid ah rakaabkii oo aragtay ninka, ayaa u sheegtay BBC-da iney moodeysay inuu xiran yahay gafuur-xir leh sameys cajiib ah, waxeyse xaqiiqsatay markii ay isha ku dhuftay maska oo ka nuuxsanaya qeybta danbe.

“Waxey ahayd dhacdo qosol leh, Maskuna culeys kuma hayn rakaabka” ayey sii raacisay haweeneydan ka mid ahayd rakaabka. Sawir laga qaaday isaga oo fadhiya kursigiisa maskuna ku duuban yahay ayaa qabsaday baraha xiriirka bulshada.

Afhayeen u hadlay waaxda gaadiidka dadweynaha ee magaalada Manchester oo hadlay dhacdada kaddib, ayaa sheegay in hab-raacyada dowladda ay dhigayaan in ruuxu xiran karo wax waliba oo dabooli kara afkiisa iyo sankiisa, si uu u nabad-galo loogana nabad galo haddii uu sido feyruska Karona.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version