Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Caafimaad Shiinaha oo abaal-marin ku bixinaya macluumaadka cid kasta oo booqatay Wuhan

Shiinaha oo abaal-marin ku bixinaya macluumaadka cid kasta oo booqatay Wuhan

0

Himilo – Maamulka Shiinaha ayaa dadaal xooggan ku bixinaya sidii loo xakameyn lahaa caabuqa Coronavirus oo ka dillaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Xukuumadda ayaa dooneysa in la xero dhammaan albaabada uu ku faafi karo caabuqa iyada oo si dhaw loola soconayo bukaanka iyo dadka deegaanka magaalada Wuhan.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, maamulka Shiinaha ayaa ku dhawaaqay qorshe abaal-marin lacageed lagu siinayo qofkii macluumaad ka soo gudbiya cid kasta oo booqatay magaalada Wuhan oo ah xarunta caabuqa sida fudud ku faafa.

Waxaa kale oo jira tallaabooyin kale oo dowladda qaaday sida xarumo dadka lagu karantiilo oo laga sameeyay magaalada Wuhan. Qof kasta oo ku nool magaalada ayaa laga codsaday in 14 maalmood uu karantiilo naftiisa.

Illaa iyo immika, inka badan 427 qofood ayaa u dhintay caabuqa halka 20,000 kale la xannuunsan yihiin.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version