Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo Shiinaha: Shirkad xisaabisa waqtiga ay musqulaha ku qaataan shaqaalaheeda

Shiinaha: Shirkad xisaabisa waqtiga ay musqulaha ku qaataan shaqaalaheeda

0

Himilo – Shirkad tiknoolojiyada ka shaqeeysa oo fadhigeedu yahay caasimadda Beijing, ayaa la kulmeysa dhaleeceeno xoogan oo isi soo taraya markii ay billaawday hab lagu xisaabinayo waqtiga ay musqulaha ku qaataan shaqaalaheeda.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinayo qalab xisaabiya waqtiga oo lagu dhajiyay qeybta sare ee albaabka musqulaha.

Shirkadda ayaa sheegtay inay dooneyso oo kaliya iney ogaato inta qof ee isticmaasha musqulaha iyo mudada ay adeegsadaan si loo go’aamiyo tirada suuliyada loo baahan yahay. Balse dad ka afkaar dhiibtay ayaa ku tilmaamay tillaabadaasi mid lagu doonayo in lagu kordhiyo wax soo saarka shirkadda iyadoo oo loo marayo wado kasta.

Sheekadan waa mid wax ku cusub guud ahaan shiinaha, marka laga soo tago war uu daabacay warsidaha Apple daily ee kasoo baxa Hong Kong, kaasi oo muujineysa mid ka mid ah shirkadaha fadhigoodu yahay Shanghai oo u qoondeysay maalinkii 10- daqiiqo in shaqaalaheedu adeegsadaan musqulaha.

In ruuxu helaa suuli waa mid ka mid ah xuquuqaadka uu ku leeyahay shirkadda uu u shaqeeyo, mase jiro sharci guud oo go’aaminaya waqtiga uu ku qaadan karo.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version