Himilo – Lacagta Iran ee rial-ka ayaa gaartay heerkii ugu hooseeyey abid marka loo eego doollarka Mareykanka, iyadoo hal doollar uu suuqa xorta ah marayo in ka badan 2 milyan oo rial.
Hoos u dhaca lacagta Iran ayaa yimid kaddib markii Washington bilowday cunaqabateyntii ugu adkayd ee ay ku qaaday Tehran, iyadoo doonaysa inay sii wiiqdo dhaqaalaha dalka.
Dhaqaalaha Iran ayaa muddo tobannaan sano ah la daalaa dhacayey cunaqabateynno Mareykan iyo kuwo caalami ah, gaar ahaan kuwa la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka. Dagaalkii Mareykanka iyo Israel ay Iran ku qaadeen 28-kii Febraayo ayaa xaaladda dhaqaale sii xumeeyey.
Warbixin ay diyaarisay Al Jazeera ayaa muujisay sida qiimaha raashinka, dharka iyo dawooyinku isu beddeleen marka la barbar dhigo xilligii ka horreeyey dagaalka.
2 milyan oo rial oo ka hor dagaalka lagu iibsan karay qiyaastii 4kg oo yaanyo ah, nus kiilo digaag ah iyo wax ka yar hal litir oo saliid cunto ah, ayaa maanta lagu iibsan karaa ku dhowaad kala bar intaas.
Qiimaha yaanyada ayaa kordhay 71%, digaagguna 74%, halka saliidda cuntadu ay qaaliyoowday 177%.
Daawada insulin-ka ee dadka qaba sonkorowga ayaa qiimaheedu kordhay 642%, paracetamol-ka ayaa qaaliyoobay 93%, halka caanaha budada ah ee carruurta, oo inta badan dowladda kabto, ay qaaliyoobeen 95%.
Hooyo 35 jir ah oo lagu magacaabo Afsaneh, kana nool Tehran, ayaa sheegtay in kharashka raashinka qoyskeeda toddobaadkii uu kordhay 20 ilaa 30 boqolkiiba.
Waxay sheegtay in iyada iyo ninkeeda oo labaduba shaqeeya ay hadda ku adkaatay inay daboolaan kharashaadka ilmahooda oo hal sano jir ah. Kharashka xannaanada carruurta ayaa gaaray qiyaastii 500,000 toman maalintii, oo u dhiganta 5 milyan oo rial ama qiyaastii $2.5.
Iran gudaheeda, toman waa magaca aan rasmiga ahayn ee lacagta rial, waxaana 1 toman u dhigantaa 10 rial.
Qoysasku waxay bilaabeen inay ka tanaasulaan iibsashada dhar cusub, baabuur beddelashada iyo waxyaabo kale oo aan daruuri ahayn, si ay u daboolaan raashinka iyo baahiyaha aasaasiga ah.
